Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Xasuuqa ka dhacay Jabuuti ma bilowgii iscunka beelahaa mise waa jug jug meeshaada joog

Xasuuqii ka dhacay Jabuuti shalay wuxuu dad badan soo xasuusiyaa dilal noocaasa oo ka dhici jirey xilligii dalkeenu dawlada ahaa intii qaranjabku inagu dhicin.

Marnaba lama fahmi karo in dad ku Jira siyaaro toos loola dhaco rasaas nool sikastaba ha timaadee waxayse muujinaysaa fudeydka dadka uu Ismaacil Cumar Geelle u dhiibtey ciidanka amniga oo hadda noqdey ciidan xasuuqeed.

Beesha goobta lagu weeraray ayaa ka tirsan jilibka Ciisaha ee Odaxgob oo iyada lagu tiriyo in ay yihiin mucaarad raba in Ismaaciil Cumar Geelle wareejiyo talada dalka.

Ismaaciil Cumar Geele ayaa lagu eedeeyaa in uu beeshiisa siiyo dhalashada dalka halka beelaha kale ee Ciise iyo kuwa jaarka ahna laga dhigo shisheeye.

Afrika sideedaba dawladu kama dambeyso marka la afgambiyo ninka kursigaas ku fadhiya waxana ugu wacan in ninka xukunka hayaa isku wada haysto hanaan kasta oo dawladeed.

Ismaaciil Cumar Geelle laguma tilmaami karo Sadaam Xuseen ama Gadaafi waayo labadaba waxa xukunka ka tuurey dawlado Gaala ah oo shisheeye oo mid toos u adeegsaday awoodooda halka Gadaafina ay adeegsadeen xoogag indha la oo arki kari waayay dhibaatooyin ka dhacay wadamo Muslimiina markey rideen dawladooda.

Si kastaba ha ahaatee xasuuqii ka dhacay Jabuuti wuxuu yeelan karaa aafo iscun beeleed iyadoo beesha Ciise ee Odaxgob ay hadda gashay aargoosi iyo in ay raadsato isbahaysi.

Jabuuti oo hal jufo ay ku ururtey xukunka dalka ayaaney ka jirin wax horumara iyadoo dalku ku noolyahay dekeda iyo madaarka sida dawlada Muqdisho.

Waana tan keentay in la raadiyo isbedel caqli ku dhisan waxaadse moodaa in taasi ayna u muuqan Ismaaciil Cumar Geelle mar uu maanta hadleyna uma muuqan nin wali fahamsan in uu ku raagey xukunka.

Jabuuti kama kabsan karto qalalaase waaayo iyada dhan ayaa ku taagan hal LUG haddii taasi liicdana ay adkaan doonto sida lagu soo toosiyo waana mid ku wajahan jufooyinka Ciisaha ee moodey in ay dalka iyagu leeyihiin.

Waxaan maqaalkan ku soo xirayaa wixii dhacay wuxuu ahaa I MAQAL aragna waxaan samayn karo laakiin lama garankaro halka uu ku dambeyn doonto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...