Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Sir culus: Askariyoow xaalka ba’ye; (Qalinkii Mukhtar Africa )

Bal kawarama hadii bulshadeenii, geesiga u taqaano qofka masaakiinta dhaca , allaylehe waxaa isoo baxday in sakhradu kaliya ahayn wixii daraaga ah.

Balse qabyaalada , qiirada lagu daafaco oo indho- la,aan inagu riday taasi baa sakhrad , Samaha in laga fogaado geesi lagu noqdo waa nasiib xumo weyn. , sida ku salaysan dhaqankeena reer guuraanimo ,ama sida ay u fikiro ayaa aabo u ah ( Nomad Mentality) Qalad iyo sax inaad ku raacdo ninka aad isku reerka tihiin.



Aniguse Indhaha dhiig hadii laga keeno markasta tuugta waan ku qarxinayaa , runtana waan sheegi , qaarka xadiiska isoo qoraaya ee leh , dalka waad baabinaysaa , marnaba ka yeeli maayo .

Adigu hadaad qabiilka qaawan ee aad ku sakhraansan tahay aad u haysato(SW) Hadalkii Alle ” Quraan,) Bal kawarama akhriste ? Oo ma anagaa ” bible” sheegayna. Oo runtii haday bible noqotay oo loo haysto waa macaarad tiinuna waa muxafadnimo. Aqriste xaqiiqada oo midh beena lahayn bal ila milicso..



Sir Culus maxaad ka akhriste ama muwaadin ka ogtahay , Godka madow Ay ku rideen Masuuliinta u Saraysa Kulmiye Maamulka jeegantu waa Muse & Saylici Waxaa nasiib daro ah In maanta dhibaatada dhacday ay masuul ka yihiin Dalka ay wareejiyeen.

Askarigu Dadkii ma adigaa ka hadhay waxaa nasiib daro ah $4 milyan oo dollar ayey maanta dalkii ku rakaadiyeen Dowlada imaraadku bixisay lacagtaasi oo Doorashada ay ku galeen Compaignkii Xisbiga Kulmiye 2017. Godkaad gashaanba waa ila iniga daba geli .” Dilaalintii qarnigan 21aad, Askariyoow xaalkaa ba’e) . Kaga bogo wargayska siraha (Tixraaca Xogtaasi oo sugan kana kooban 204 words. ) akoonkii loogu soo shubay booqo http//www.africaintellegence.com



Umadii way lee’aaday , ayuu ku dhawaaqay.Muse bixi markuu tagay Dubai Wuxuu weeraray Qadar oo uu ku sheegay inay ka xun yihiin horumarka dalka oo ay iska caabin doonto cidkasta oo nasoo fara-gelisa . hadalkaasi siyaasadaysani waa dagaal uu ku baaqay. waa isku mid. hadaba ilaha Dhaqaale %90 oo u dhiganta $240 million sanadkasta oo toos uga heli jireen berbera madaxtooyadu ku maarayn jirtay Guud ahaan maamulka kala firday howlmaal-meedka shaqo bayladooduna ku asturmaynayd .



Hada waxay ka helaan iska daaye xaalku waa kaaf iyo kela-dheeri waxay marayaan in laga wareejiyey dekedii berbera helkii Laga adoroosi jiray misaaniyada dalka. Kaaga darane askariga meesha haystaa xukunka intii ka danbaysay Hogaamiye xirsi , Hogaanka wadani waa Xirse’e waraabayaashi ayuu ka hortaagnaa 2010 ilaa 16 Oct 2015 , maalintuu xirsi ku dhawaaqay yidhi ( bulshooy aniga somaliland la iguma oga’e waxaa la waydiin doonaa inta iga danbaysa waa askariga iyo ina xaashine )

Akhriste adoo sirahan sii milicsanaya bal ila eeg xaalka dalka iyo dhibaatooyinka jeegaantu aabaha ka tahay waa sidatan:-
Sidaan wada oganahay Xaalka waa dalka yemene , waxaa aabo ka ahayd Dp world oo loo adeegsado dalka la baabiinayo Yemen Dp world sanadkii 2000 waxay wareegtay dekada Dalka yemen. dekadaasi oo aad u fiican ayaa oo 85 % dhaqale ka helaan dalka yemen,



Aad & aadna u shaqaysa . Dp world waxay gaadhsiisay 42 % Dagaalkaasina waxaa aabo ka ah Shirkadaas , kaliya dhaqaale hoos uma ay dhigin ee waxay dekeda kasoo dejin jirtay hub la iskugu dhiibo Qabiilada , Ayka soo iibsan jireen dalalka yurub siiba talyaaniga. Oo ah meesha qaraxyada lagu sameeyo hubka culus , dhaqaalihii dalkaasi way curyaamisay dp world .

Taariikdu markay ahayd 2006 Shacabka dalka yemen waxaa hadheeyey mudaharaadyo dp world laga soo horjeedo waana isasii taray banaabaxyadii dalkaasi ilaa uu wadankii maanta marayo baaba,a iyo balanbal Awaaqib xumadaasina waa inagu soo socotaa, hadaan la iska qaban maamulka hargeisana Ka tashadaan.

US & Isreal Hadafkooduna waa sidan qaacidada ay Isticmaalaan waa iyagoo u adeegsada dowladaha Turkey,UAE , Saudi, GCC & Qadar waa hubka baabinta wadamada jamacada carabta ku jira ama islamka carabtii beriga dhexe& kuwii africa halkay ku danbeeyeen Umad marka la baabiinaayo waa labo arimood:-



1. waxaa laga qabsadaa dhaqaalaha dal leeyahay . iyo 2.Iyagoo iskugu hubeeyey qabiilo maantaba aad arkaysaan & islamism xagjir ah .
Saylicii & Askariga , Bililiqadii Gobolka Awdal ka sameeyey wuxuu qaatay taariikh xumadii abid dhacday. Sidaad wada ogaydeen Geesigii Somaliyeed ee Filasooferkii Dr Cumar Cusman Rabeh Oo ahaa geesi u hiiliya dadkiisa somaaliyeed ayuu dhacay oo jagadiibuu ama baloodkii dhaxalka uu uga tagay agoonta uu shaadhkii maamulka galbeedka hargeisa kaga faa’iidaystay .halkii taalo uga samayn iska daaye wuxuu boobay Agoontii ka hadhay Dr raabi .

Wuxuu ka dhisay madaxtooyada G. Awdal ama guriga martida , inkastoo Dastuurku Ku xigeenku Sida #Gorgorka u xidhay oo uu awood lahayn balse waa saamaysay cadifadu . halka madaxda qayrkiisa sida somalia ,djabouti ay taalo u dhisayaan dhawaan.

BAL AAN YARO QEEXO GEESIGA SAXDA AH : Hogaamiyaha wanaagsani waa hogaamiye dadkiisa , dalkiisaba u hiiliya si ay umadaasi u gaadho bash bash , barwaaqo & qalbigooda



Labadaadi hogaamiye Waxay u shaqeeyaan Cakiska ka soo horjeeda ,Qabyaalad , musuq baahsan , iyo dadka oo soo dhawaystaan Dadka ugu fikirka xun ama xumaanta ka shaqeeya waana sababta keentay . Inay ku guul daraystaan hanashadii dalka & dadkaba.Xaalka dalku halkasuu marayaa bulshooy? Berigiina faraha ayuu ka baxay , hargeisana daamo ayaan cashuur bixin. Bal ka warama wadankii haday tuug afar kaboolayaala haystaan Akhriste ?

N.B : Dalkii Ma adigaa ka haday!!!

ALLA-MAHADLE

Mukhtar Ali Aden (Africa ) yaabe99@hotmail.com



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...