Maxamed Axmed Kuluc ayaa lahaa taariikh faneed oo u balaadhan wuxuuna ka mid ahaa fanaaniintii xoriyada dalka qayb weyn qaatay una heesayay xoriyada iyo calanka.
Wuxuu ku jiray ruwaayado kuwii loogu jeclaa xilliyadii lixdamadkii todobaatanaadkii ilaa sideetankii inkastoo fanaanku burburkii dalka kadib in muddo ah ku noolaa dalka Ingiriiska.
Maahayn fanaan taariikhdiisa looga sheekayn karo hal bog waxana dhimashadiisa ka tacsiyaysay ummada Somaliyeed.
ARAABINEWS