X

Ciidamada Siiraliyoon oo gabi ahaanba laga saaray dalka iyo Xasan Sheekh oo sagootin u tagey Kismaayo

Kismaayo 18 Dec 2014–Madaxweynaha Somaliya ayaa Kismaayo u tagey inuu sii sagootiyo s=ciidamada Siiraliyoon oo dalkoodu si ba,an u hayo cudurka Iboola hadana go,aan lagu gaadhay in dhamaanba laga saaro dalka.

Lama garan karo cida qaadatay go,aanka ah in laga saaro dalka waxase soo baxayay cabasho ay muujiyeen saxaafada dalka iyo waxgaradka caafimaadka in si degdega loo sagootiyo ciidamadan.

Madaxweynaha ayaa Kismaayo jooga si uu raaligelin u siiyo Axmed Madoobe oo filayay in doorkan la siiyo kursiga Daarood xalaasha u noqdey ee raiisal wasaaraha oo hadda uu dib ugu celiyay Majeerteen oo iyagu afar jeer oo hore soo hayay oo ku meelgaadha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.