Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Huteelada Muqdisho maxay galabsadeen: QORMO

Magaalada Muqdisho buruburkii ka dhacay Dalka kadib waxay gashay marxalad soo kabasho ah, waxaana ku soo badanayay dhismooyin iyo goobo qurux badan, oo ay Mu’waadiniin Soomaaliyeedd galiyeen hantidooda.

Taasi oo sare u qaaday bilicda iyo quruxda Caasimadda Dalka Soomaaliya, balse waxaa abuurmay Kooxo cadow ku ah soo if baxa muuqaalka qurxoon ee Magaalada, kuwaasi oo bilaabay inay qaraxyo waaweyn la beegsadaan goobahaasi, haddaba waxaan dib u milicsan donna taariikhda iyo goobta ay ka dhaceen Qaraxyadaasi.

December 3-dii 2009kii: Waxaa weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa Hotelkii ugu horreeyay ee weerar noocaasi ah lagu qaado, waxaana halkaasi ka dhacaysay munaasabad qalin Jabin ah, iyadoo goobtaasi ay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo isugu jiray Arday, Mas’uuliyiin iyo dad kale oo halkaasi ku sugnaa, iyadoo Mas’uuliyiintii weerarkaasi ku dhimatay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Caafimaadka Qamar Adam Cali, Wasiirii Taclinta Sare Prof. Ibrahim Xassan Caddow , Axmed Cabdullaahi Waayeel Wasiirkii Waxbarashada iyo Wasiirkii Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Saleebaan Colaad Rooble iyo Dr. Shahiid.

August 24, 2010: Qarax Ismiidaamin iyo rasaas ayaa ka dhacday Hatel Muna ee magaalada Muqdisho, 23 qof ayaa ku dhimatay, Xildhibaannada ku geeriyooday ismiidaaminta ayaa kala ahaa Maxamed Xassan M. Nuur, Geeddi Cabdi Gadiid, Buulle Xassan Macallim, Idiris Muuse Cilmi.

September 20, 2012: Qaraxyo Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Maqaayadda The Village oo ku dhegan guriga Hooyooyinka, 16 qof oo wariyaal ay ku jireen ayaa dhintay. Saxafiyiinta la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen waxaa ka mid ah Madaxa Wararka ee TV-ga Qaranka Liibaan Cali Nuur, wariye C/sataar Daahir Sabriye oo isna ka mid ahaa wariyaasha Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka, iyo sidoo kale agaasimihi Radio VOD ee Magaalada Muqdisho C/raxmaan Yaasin Cali, Waxaa kaloo halkaas ku dhintay Marxuum Maxamed Xirsi Dhuunkaal iyo dad kale.

January 1, 2014: Ugu yaraan Shan qof ayaa ku geeriyooday, 22 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.
October 12, 2014: Qarax Ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay Oromo Coffe, ilaa 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaas.
November 7, 2014: qarax goor habeenimo ah ka dhacay agagaarka Hotel Maleeka ee magaalada Muqdisho, qaraxaan oo miino waxaana lagu xiray Gaari uu watay agaasime ka tirsan wasaaradda beeraha xukuumada Soomaaliya.Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho.
January 22, 2015: Inta la ogyahay saddex qof oo laba booliis ah ay ku jiraan iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qaraxa ka dhacay afaafka hore ee Hotel SYL.
24-kii Agosto 2010, waxaa qarax lagu naf waayay lagu qaaday Hotel Muna.
1-dii Janaayo 2014-kii, Waxaa Qarax loo geystay Hotel Al Jaziira.
22-kii Janaayo 2015-kii, waxaa isna Qarax lala beegsaday Hotel SYL.

February 20, 2015: Qarax Ismiidaamin iyo weerar toos ah aya ka dhacay Central Hotel Waxaa la xaqiijiyay geerida gudoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caane Geel) iyo sidoo kale Xildhibaan Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug), waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay dad shacab ah iyo ragii weerarka qaaday.
March 11, 2015: Goor habeen ah ayaa waxaa uu qarax ka dhacay agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishu, labo qof ayaa ku dhaawacntay qaraxaas, waxaa sidoo kale ku burburay Hanti badan.
March 27, 2015: Koox si weyn u hubeysan ayaa xilli casar ah weerartay hotel Makka Al Mukarama, kadibna gudaha u galay, halkaasi oo ay ka dagaalamayeen 12 saacadood, maalinkii xigtay ee sabtida ahayd wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in 14 qof ay ku dhinteen, sidoo kalana 50 la badbaadiyey.
July 10, 2015: Laba weerar oo Ismiidaamin iyo weerar toos ah ayaa lagu qaaday Hoteelada Wehliye iyo Siyaad oo ku yalla magaalada Muqdisho, xilli ay ku beegneed Afurka, waxaana halkaasi la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 18-qof oo isugu jira shacab iyo dadkii weerarka qaaday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay halkaasi 16 qof.

20 Luuliyo 2015-kii, waxaa Qarax lala beegsaday Hotel Jaziira
21-kii September 2015-kii, waxaa qarax lagu weeray Hotel SYL
1-dii Nofember 2015-kii, waxa isna Qarax lagu weeraray Hotel Saxafi.
30-kii bishii Nofember 2015-kii, ayaa waxaa kaloo la weeraray Hotel Jaziira, oo markaasi dib loo dayactiray.
21-kii Janaayo 2016-kii, waxaa kaloo qaraxyo iyo weerarba loo geystay Hotelka Liido Beach and sea Food.
26-kii Febraayo 2016-kii waxaa qarax loo geysaty mar kale Hotel SYL
31-kii Agosto 2016-kii Rag hubeeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo iyo Dagaal Toos ah waxa ay ku qaadeen ilaa labo hotel oo ku dhow Xeebta Liido Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.
30-kii agosto 2016-kii ayaa markii 3-aad qarax aad u buruburiyay dhismihii ayaa xilligaasi ka dhacay Hotel SYL.
25-kii Janaayo 2017-ka waxaa qarax loo adeegsaday Laba Gaari lagu qaaday Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay naf waayeen Mu’waadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kaasi oo ahaa kii ugu dambeeyay ee Qaraxyo loo adeegsado.

Qaraxyadaasi markii ay bateen ayay Dawladdu soo saaraty Sharci lagula soconayo dadka dega hoteellada magaalada Muqdisho ayaa wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya kusoo rogtay hoteelladaas, kadib markii bishii hore qaraxyo dad badan ku dhamaadeen ay ka dhaceen Hotel Central.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in la diiwaan-geliyo macaamiisha hoteellada, haddii loo baahdana su’aalo la weydiin karo, wuxuu sharcigaan amarka ah dhigayaan in maamulka hotellada foomam ka buuxiyaan qof kasta oo degaya hoteelkooda, si loo ogaado wuxuu u socdo iyo halka uu ka yimid iyo in hoteelada lagu xiro kaamirooyinka loo yaqaanno CCTV-ga ee ka dhaca waxa ka dhaca gudaha hoteelka ayaa ka mid ah qodobada uu sharcigaan cusub farayo milkiilayaasha hoteellada Muqdisho.

Sharcigan ayaa xadidaya in la iska furto hoteel iyadoo aanay laamaha amniga wax war ah ka hayn.
Hoteelada Muqdisho oo ay degan yihiin dad aad u fara badan oo u badan qurbojoog ayaa dowladda Soomaaliya u aragtay halis weyn, kadib markii uu qarax weyn gudaha Hotel Central uu ka dhacay, iyadoo la sheegay iney is qarxisay haweeney ka shaqeyneysay hotelka oo ka timid dalka Holland.

Haddaba waxaa is weydiin leh maxay galabsadeen Hoteelada Magaalada Muqdisho ku yaal, maxaase laga goynayaa?, su’aashasi waxaa jawaabteeda laga labaa Bulsho weynta ku dhaqan Magaalada

W.D: C/lahi Ruush

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...