Thursday, December 7th, 2023
header










Meta







Ictiraaf raadintii burburtee maxaa xiga mar haddii ay Xasan Sheekh oo wax la waday ku furtuureen+FAALO

sl-so[1]Sidaad la socoteen wararka Araabinews waxa burburay wadahadalo guntooda ay lahayd dawlada Ingiriiska oo shirkii ay Somalida ugu qabatay dalkeeda ay ku dartey qodob sheegaya in dawladii fadhiidka ahayd ee Sheekh Shariif ay la furto wadahadal kooxda SNM oo iyagu sheegta in ay matalaan Woqooyiga Somaliya oo dhan.

Ingiriiska ayaa u qorey qodobkaasi si xasaasiya kuna tilmaamay mid ay uga wadahadlayaan aayahooda dambe. Sheekh Shariif  sidii ayuu ku qaatay inkastoo looga digey wuxuuna Somaliland (SNM) la waday wadahadal waxana sii waday Xasan Culusow oo siyaasad ahaan waxba dhaamin waxayna soo gaareen halka maanta ay ku burburtey.

Burburkan ayaa waxa soo dhaweeyay dadka majooratiga ah ee reer Woqooyiga ah iyagoo u arkayay wadahadal qalad ah kuna tilmaameen mid u dhexeeyay USC(Hawiye) iyo SNM) gooni goosadka maadaama aan waxba laga waydiin iyadoo dagaalo socdaan.

Somaliland (SNM) waxa ka soo xidhmey dariiqyadii hore loogu waaniyay in ay ictiraaf ku raadsadaan waxbadana waxa la qabtey safiirada Ingiriiska u jooga wadamada la jaarka ah Somaliya iyo kuwa u jooga wadamada Afrika laakiin taasi waxay dhamaatay markii Turkigu yimi Somaliya taas oo gelisay Ingiriiska hinaase xoogleh kuna abuurtey in uu wax ka raadsado dawlada Somaliya.

Waana marka ictiraaf raadintii SNM uu ku wareejiyay dawlada Somaliya wuxuuna u sheegay in wadada u furan ay tahay taas kaliya.

Yay diideen SNM shirka Turkiga

Sida aan ognahay shirarkii hore way ku jireen rag ka socda deegaanada Woqooyiga sida wasiir ku xigeenkii wasaarada arimaha gudaha (fiiri sawirka hoose kan labaad dhinaca bidixda) wax buuqna kama keenin hadase waxa ku jiray wasiiro ay isku beelyihiin. Waxana kuu muuqda in jufadooda kaliya ay diidayaan laakiin ay ogolyihiin kuwa kale ilayn maba ictiraafsanee.

140116084742_somalia_somaliland_talks_512x288_bbc_nocredit[1]

Halkay talo u raadsanayaan hadda

Burburkan ay SNM u sabab tahay la hadalkii Xasan Sheekh wuxuu ilaa hadda soo afjaray waxaan wadahadalo kula jirnaa Somaliya iyagoo taasi istus saxaafadeed ka dhigan jiray. Magacan ”Somaliya iyo Somaliland” ayaa isaguna ahaa mid khalad loo isticmaalay.

Ta kaliya ee hadda u furan SNM waa inay Ingiriiska ka sugto in uu cadaadis saaro Xasan Sheekh si aanu ugu soo darin wasiirada reer Woqooyiga ah sidaana wadahadal dambe u furmo taas oo hadda adkaanaysa in uu yeelo maadaama loo arkayo diciif loo higaadiyo waxkasta.

Marnaba maahayn fikirka Xasan Sheekh in uu ku soo daro wasiiro ka socda Woqooyiga Somaliya waxayna ku timi cadaadis kaga yimi dadka majooratiga ah ee reer Woqooyiga ee uu sheeganayo in uu matalo.

Isku soo duub waxa SNM u furan in ay Ingiriiska dib talo ugula laabtaan iyadoo aan ognahay in Turkiga iyo Imaaraadku ayna soo farogelin karin. Ilaa hadda waan iska ilaabi karnaa been dambe oo ictiraf lagu raadsado iyo magacyadii bugta ahaa ee Somaliya iyo Somaliland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Diyaarad Nayjeeriya ka timi oo rakaabkeedii wacdaro ku qabsadeen Sacuudiga

November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...