X

Kalkaaliso Ingiriisad ah oo laga helay Ibola iyo dadkii la socday diyaarada oo loo wada yeeray inay is tijaabiyaan

London 30-12-2014–Kalkaaliye u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa laga helay cudurka halista ah ee Ibola waxana hadda loo gudbiyay isbitaal Ku takhasusay cudurada noocana iyadoo la sheegayo in lagu shubi doono dhiiga nin isaguna ayaa kalkaaliye oo ka badbaaday cudurka.

Haweenaydan oo ahayd kalkaaliso loo direy wadanka cudurku faraha ba,an Ku hayo ee Siiraliyoon ayaa diyaaradii ay la socotay ay la soo martay wadanka Marooko kadibna u soo gudubtey London.

Inkastoo lagu baadhay madaarka Heathrow ee London hadana waxba lagama helin iyadoo ay soo baxayaan in markale loo yeeray waxna laga waayay.

Dawlada Ingiriiska ayaa durba la xiriirtey dadkii saarnaa diyaaradii ay la socotey kalkaalisadaa oo qaarkood Ku hadheen London qaarna hore uga sii gudbeen gobolka Scotland magaalada Glasgow.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.