Gudoomiyah gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa toos u weeraray siyaasiyiinta Hawiye ee ay ka dhegtay dadkaan dib u qixin doonaa. ”Waxa keenaya fashilka siyaasadeed ee ku dhacay kooxdan ayuu yiri gudoomiye Cumar Filish.
Siyaasiyiinta Hawiye oo kaashanaya raiisal wasaaraha ayaa xilkii ka qaaday guddigii khilaafaadka ee shaqadooda uu saxiixay Maxamed Xuseen Rooble oo hadda ku eedaysan inuu boobayo hantidii qaranka.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa hore u sheegay in kooxdan midkoodna gurigiisa fadhin doonin haddii xabadu ka bilaabato magaalada oo jufo walba dib loogu dhiibi doono halkii ay maamuli jirtey, marka yaa uga futo xun, yaase khasaare qaba.
”Waxa keenaya fashilka ku yimi siyaasadooda ah anukaa Hawiye ah oo meelna ka socon wayday ayuu raaciyay gudoomiye Cumar Filish. Anaga waxaa nahay dad hore u socoda qof u xiisa qaba miyaa idinku jira wixii hore inoo soo maray ayuu su’aalay?
Cumar Filish ayaa hilfaha u qaaday Muuse Suudi oo ay isku jiufo yihiin xilligii mooryaanimada.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS