Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Meydka haweenay Soomaali ah oo laga helay badda Giriiga kadib markii

Meydka haweenay Soomaali ah ayaa laga helay jasiirada Lesbo ee dalkaasi Giriiga halka laba kalana la soo badbaadiyay kadib markii sida la sheegay ay ka dhaceen doon la buux dhaafiyay oo ka soo shiraacatey dalkaasi Turkiga. Soomaalidan ayaa la sheegay inay toos uga yimaadeen Somaliya kadibna rabeen inay naftii halignimo ku galaan Yurub.



Turkiga ayaa fasaxay qaxootiga jooga dalkooda kadib markii Yurub u qabatey oo diiday inay kordhiso caawimada la siiyo qaxootiga u badan Siiriyaanka ee ku sugan dalka oo gaaraya laba milyan iyo badh.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Giriiga oo warbaahinta u waramay doontan oo ay saarneeyeen dad gaaraya 24 qof oo dhamaantood ahaa Soomaali isugu jira rag iyo dumar ayaa sadex ka mida oo haweena ay doonta ka dhaceen.



”Baadhitaan qaatay dhowr saacadood waxaan ku guulaysanay inaan soo badbaabino laba ka mida haweenka halka mid ka mid ahna ay ku geeriyootay ayuu yiri masuul u hadlay Giriiga.

Dadka badankooda ee ka soo baxa Turkiga ayaa soo raaca doomo aad u liita, waxana intaas dheer in la buux dhaafiyo ayuu yiri masuulku. Jasiirada dadku soo gaareen ayaa u jirta xeebta Turkiga masaafo aan ka badneyn dhowr kiiloomitir.



Horaantii bishan ayaa sidan oo kale laba haweena oo Soomaali ah ay ugu geeriyoodeen markii doontii ay saarnaayeen ay degtay.

Giriiga ayaa dadka tahriibaya sheegeen inuu garaaco naftood haligeyaasha halka doomaha qaarkoodna uu daawado ilaa ay degayaan.

Rasiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...