X

Raiisal wasaaraha oo diidey in mooryaan direyska ciidanka xiran lagu daro ciidanka

Waxa maalin dhaweyd Muqdisho soo galay ciidan beeleed sheegtay inay ka soo baxeen ciidanka kadibna soo galeen xaafado ka mida Muqdisho ayagoo qixiyay dadkii deganaa dhufeysyana ka dhigtey.


Haddaba markii xiisada la qaboojiyay ayaa qabqableyaashii hor kacayay maleeshiyadaa u daacada ahaa Xasan Sheekh iyo Shariif Sh Axmed, waxay dalbadeen in ciidanka lagu daro, waxase diidey raiisal wasaaraha.


Maleeshiyadan ayaa la sheegay inay degeen goobo kale oo ka ag-dhow guriga Xasan sheekh, dadka aagaas degan ayaa raba in laga raro masiibadooda.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.