Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







SAWIRO: Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Jigjiga

Wefdi uu horkacayo hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe ayaa Khamiistii gaaray Magaalada Jigjiga Ee Xarunta Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

Wefdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka Wiilwaal ku soo dhaweeyay xubno uu horkacaayay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha Jubba oo muddo kooban ku hakaday qaybta soo dhawaynta ee Garoonka Wiilwaal, ayaa waxaa kolkii dambe loo kaxeeyay Xarunta Qaryan Dhoodaan, halkaasoo ah goobtii loogu talla-galay in la dejiyo.

Axmed Madoobe ayaa mudada uu ku sugan yahay Magaaladaasi waxaa uu kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, inkastoo aan faah faahin badan laga hayn arrimaha ay ka wada hadlayaan.

Axmed Maxamed Islaam oo habeenkii Arbacada ku hoyday Magaalada Addis Ababa, ayaa halkaasi kaga sii gudbay Magaalada Jigjiga.

Xubnaha Axmed Madoobe ku wehlinaaya booqashadiisa Jigjiga, ayaa waxay isugu jiraan Wasiiro, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Kismaayo iyo Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe, C/rashiid Jire Qalinle.

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu Axmed Madoobe ku taggo Magaalada Jigjiga, tan iyo markii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Jubba.

Madaxda maamulada Somaliya ayaa nasasho fiican iyo soo dhaweyn ka hela madaxda dawlad deegaanka Somalida Itoobiya oo iyagu u tafoxaytey sidii ay horumar u gaarsiin lahaayeen Somalida Itoobiya.

   Madoobe6-1 Madoobe7-1 Madoobe91-1 Madoobe92 Madoobe93 Madoobe94 Madoobe95 Madoobe96 Madoobe97 Madoobe98

C/llaahi Warmooge

ARAAbinews

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...