Saturday, April 20th, 2024
header










Meta







Shan qof ma goyn karto hanaanka doorashada dalka

Iyadoo welli la sugayo nooca doorasho ee dalku geli doonto, waxa isa soo taraya in aan dib loogu noqon sheekada shan qof oo gooya danta qaranka ayadoo laga boodayo barlamaanka. ” Waa dhaqan foolxun oo aan ku naqaanay labadii hogaamiye ee hore ee Xasan Sheekh Sheekh ugu dambeeyay ayadoo gebi ahaanba barlamaankii la tuurey ayuu yiri Cali Calasow.



Beesha lixaad ama kuwa loogu yeero beesha caalamka ayaa dabada ka riixaya in barlamaanka daaqada laga saaro, oo shan maamul jufeed ama sadex ka mida 4.5 gacanta loo geliyo hanaanka doorasho.

” Farmaajo inkastoo maalmahan dambe uu ka leexanayo sidii lagu yaqaanay sanadihii hore ee ahaa go’aan qaadasho arimaha masiiriga dalka sida siyaasad xora oo dalku yeesho ayaa si aan la fileynJabuuti loogu qabtey shir Maraykanku dabada ka riixayo oo ujeedadiisu tahay in maamulkan Muuse Biixi aduunka la baro. Ugu dambeyna Taywaan gacanta loo saarayo. ayuu raaciyay Cali Calasow.



Si kastaba ha ahaatee waa nasiib daro haddii barlamaanka laga boodo oo dalka loo gacan geliyo masiirkiisa shan qof oo matala dano shisheeye ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Dastuur dhoodhoobka, federaalka, iyo aqalka sare

Waxaa xusid mudan in hagar-daamada dalka haysata ay geliyeen hanaanka sharciga dalka oo laga booday kadib markii fadhiiyada dalka gacanta loo geliyay ay gacanta u geliyeen kooxihii keenay dastuur dhoodhoobka, goboleysiga iyo aqalka sare.

”Waa in dawladu la timaado nidaamka doorasho kadibna marisaa hanaanka baarlamaan ee dalka iyo sharciga dalka u yaala inta kuwa sheeganaya inay qayb ku leeyihiin dalka ayna qas gelinin hanaankaas ayuu yiri Cali Calasow. Waxa durba socda in Maraykanku wado is afgarad u dhexeeya maamul jufeedyada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...