Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Siro badan oo ka soo baxay dood lagu sheegay ictiraaf siin maamulka Somalilaan

Waxa shalay ka dhacay barlamaanka Ingiriiska oo faaruqa dood la soo diyaariyay oo ay soo diyaariyeen xildhibaano sheegay inay xaafadooda degan yihiin bulsho ka soo jeeda qabiilka ISAAQA ama beesha dhexe oo ictiraaf ka raadinaya Ingiriiska. Inta la ogyahay ma jiraan bulsho ka soo beesha dhexe oo hadda u jajaban ama u buka ictiraaf.



”Ma jiraan bulsho hadda ka soo jeeda beesha dhexe oo dibedda joogta oo xafiisyo taga ma xildhibaano u taga oo yiraa ictiraaf na siiya, waayo waxay dhamaatay sheekadaas sanado hore ayuu yidh Xuseen Warsame.

”Waxa hadda ugu daran sidii ay maamulka ugu tuuri lahaayeen horjooge Muuse Handaraab ayuu raaciyay Xuseen Warsame. In sanado ahba layskuguma iman sheekadii 18 May, waxaan ugu dambaysay ugu yaraan 8 sanno.



Badankoodu waxay hadda u ololeeyaan sidii loo heli dawlad cadaalada oo dalka hanata waxayna aad u taageersan yihiin madaxweyne Farmaajo. Marka waxaad is weydiin kartaa maxay tahay dood ku sheega tobaneeyo xildhibaan oo badankood la yaqaano inay u doodi jireen xilliyo hore  in la ictiraafo ay maanta ku dibiro dhacsadeen barlamaan faaruqa.

Haddaba dibiro dhacsiga qaar ka mida xildhibaanada Ingiriiska waxa ka soo baxay siro badan oo qaarkood ku socdaan Shiinaha iyo Ruushka iyo weliba hamiga ay ka leeyihiin Somaliya guud ahaan.



”Waan maalgashan karnaa maamulka Somalilaan sida dekeda Berbera, waxaan guran karnaa macdanta iyo dahabka buuxa, waxaan ilaalinaa xeebta Berbera, waxaan Hargeysa ka dhisnay wadooyin muhiima, waxaan siinaa barnaamijka horumarinta Somalilaan ayuu yidhi afhayeenka dooda diyaariyay oo ah wasiirkii hore ee difaaca ee Ingiriiska.



Waxay aad uga xanaaqeen in gaalo joogin Hargeysa iyo Burco, kuwa gaalada ee ay abuureena ay si hoose u caabudaan masiixiga, waxayna codsadeen intaas wax laga qabto loona sheego maamulka si degdega. Waxay ka xanaaqeen inaan haween la dooranin doorkii u dambeeyay, waxayna dalbadeen in wax laga bedelo.




Waxay ku celceliyeen mar haddaynaan inagu aqoonsan karin waa inaan raadinaa dal inooga hormara maadaama aan nahay ka labaad ee aqoonsan doona sida Kanada, wadamada Woqooyiga Yurub sida Dhanmaak iyo Noorway in lagala hadlo.

Ku darso Ingiriiska waa kan cunaqatayta hubka ku haya Somaliya ayadoo ujeedada ayna cidna ka qarsoonayn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...