X

Tababarihii xulka Holland Guus Hiddink oo buuxiyay jagadii uu baneeyay maamulihii naadiga Chelsea

Kadib markii daraad la eryay tababarihii naadiga Ingiriiska ee Chelsea ayaa waxa markale si ku meel gaadha loogu magacaabay booskaas Guus Hidink oo ahaa tababarihii xulka Holland.

Guus HIddink ayaa sheegay in uu aad ugu farxay soo noqodka uu klu soo noqdey Chelsea oo uu ku tilmaamay naadi aad u weyn lacag ahaan uuna sheegay in uuna naadigu u qalmin halka uu joogo hadda.

Chelsea ayaa waxa halkan soo gaarsiiyay kuna soo daray naadiyada caalamka Ruud Gullit oo ah ciyaaryahan sideetamadii iyo horaantoo sagaashanka luxey aduunka.

Guus Hiddink ayaa sheegay in uu ku dadaali doono in uu kor uga soo qaado halka naadigu taagan yahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.