Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Gudoomiyaha guurtigu ma wuxuu caafimaadaa marka Siilaanyo loo kordhiyo

Waxaan maanta doonayaa in aan ka yar hadlo Shirkan maanta oo ay taariikhdu tahay 28/03/2016 ka dhacay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee looga arrinsanayay Diiwaangalinta, shirkan waxa isugu yimi madaxda Qaranka Somaliland oo ay ka mid yihiin Hogaamiyayaasha Xisbiyadda Qaranka.

Waxyaabaha looga hadlayayna waxa ka mid ah in Diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashada dib loo dhigo, iyadoo lagu nasbaynayo Abaaro baahsan oo dalka ka dhacay.

Hadaba, anigu shiqsiyan dhibaato uma arko hadii iyadoo loo danaynayo shacabka danyarta ah ee abaaruhu aafeeyeen in dib loo dhigo diiwaangalinta. Waa hadii arrintaasi daacad laga yahay oo aysan siyaasadaysnayn.

Laakiin aniga waxa shaki weyn igaliyay waxaan arkay muuqiisa ninkii odayga ahaa ee Guddoomiyaha Golaha Guurtida mudane Saleebaan Gaal oo inta badan aynu aragno Marka korarsiimo xileed ay jirto ama Siilaanyo kursigiisa uu cidhiidhi siyaasadeed galo. markaasu Saleebaan hiil qabiilaysan la soo cararaa inta kale Saleebaan gaal xanuun buu u jifaa Dalka Ingiriiska.

Lakiin wuxu caafimaadaa oo sariirta ka soo kacaa marka korarsiimo xileed xukuumada Siilaanyo doonayso. Runtiina waa arrin cajiib ah, qof masuul ah oo shaqadii qaranka kaga maqan xanuun sanado badan,Iyadoo booska uu hayaa muhiim u yahay Nabadgalyada iyo Khilaafaadka Beelaha iyo SiyaasadaDalka Somaliland.

Waxa aynu u baahanahay in aynu is waydiinu arrintan dib u dhigista Diiwaangalinta ee lagu nisbeeyay Abaaraha miyay siyaasadaysan tahay mise waa arrin Dowladu daacad ka tahay?.

Aniga fikirkayga shiqsiga ah waxay illa tahay in ay siyaasadaysan tahay, sababtoo ah Gobolka Abaarta ugu ba anni ka jirtay ee Gobolka Awdal diiwaangalinta waa laga qabtay cidina uma joojin, Gobolada Saaxil iyo Togdheer oo iyagana Abaari ka jirtay way ka qabsoontay Diiwaangalintu, maxa sababay in maanta la joojiyo. Run ahaantii waa arrin shaki muujinaysa.

Dhaqaalihii loo guray Abaaraha ama ay noogu deeqeen Dowladaha Carabta waxa cad in aan sidii loo baahnaa loo gaadhsiin bulshaweyntii abaaruhu aafeeyeen.

Waxa suuqyada Hargeysa lagu arkayay raashinkii Dowladaha Carabtu ugu deeqeen dadka abaaruhu ku dhufteen. Taasina waa masuuliyad daro ka muuqata Xukuumada Madaxweynaha ku-meelgaadhka ah mudane Siilaanyo hogaamiyo.

Xukuumada waxanu leenahay Illaahay ka baqa, canshuurtii umadan ayaa idinku maqan oo aad lunsateen. Dadkii abaarahana waxii yaraa ee Dowladaha Islaamku ugu deqeen baad ku darsateen. Anigu garanmaayo meesha aad Aaqiro la idingayndoono.

Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)

UK

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...