X

Argagixisada Talibaan ee Bakistaan oo xasuuqay ugu yaraan 50 qof xadka u dhexeeya Bakistaan iyo Hindiya

Wagah 03 Nov 2014–Argagixisada Talibaan ee Bakistaan ayaa sheegtay in ay xasuuqeen dadka Bakistaani oo gaaraya 50 qof goobta loo yaqaan Wagah ee ah jidka kaliya ee isku xidha labada wadan ee Bakistaan iyo Hindiya.

Naftii haligahan ayaa isku qarxiyay xilli ay dadku ku badnaayeen si ay u dilaan dad aan u farabadan oo aan waxba galabsan.

Argagixisada oo ku faraxsan xasuuqa dadka Muslimiinta ah ee sheegtay in ay ka dambeeyeen.

Dawlada Bakistaan ayaa ugu jirta dadaal ay ku cidhibtirayso dhiigmiiratada muslimiinta xasuuqay waxayna weerar kaga qabsadeen dhowr magaalo oo ah goobaha ay ku badan yihiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.